Georgi Kapchits



     Nin maqan tebiddii waa nin jooga ceebtii!


 

 

 

Laabo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hal-Aqoon oo wareysi la yeeshay
Dr. Georgi Kapchits


Hal-aqoon: Dr. Georgi, ugu horrayn waxaan jeclaan lahaa inaad warbixin kooban naga siisid mahadhadaada?

Georgi: Haddii la soo koobo, waxaan ku dhashay Midowga Soofiyeeti gu'gu kolkuu ahaa 1939kii. Intii u dhexeysay 1967kii iyo 1994kii waxaan ka shaqeeyey Laanta af-Soomaaliga ee Raadiyow Moosko. Kaddib markii la xiray Qaybtii Afrika ayaa waxaan u gudbay Qaybta wararka oo aan faalleeye ka ahay. Mararka qaarkood waxaan af-Soomaaliga ka dhigaa Jaamacadda Moosko iyo Jaamacadaha ka furan Berliin. Xaas wanaagsan baan leeyahay. Waxay ii dhashay laba gabdhood. Waxaan kaloo leeyahay laba gabdhood oo ay sii dhaleen(aan awow u ahay). Ninkii seexdaa saciis dibi dhalay!

Waxaa kaloo la yidhi: Cimrigaaga oo dheeraadaa cajab buu ku tusaa. Intii aan noolaa waxyaallo badan oo farxad leh iyo waxyaabo balaayo ah ayaan marqaati u noqday. Inkastoo aan yaraa, haddana aad baan u xasuusan ahay siday u wada ooyeen dumarku 9kii May ee 1945kii ee uu dhammaaday dagaalkii lagala hor jeeday Jarmalka. Intoodii yarayd waxay la ooyeen farxad, maadaama nimankoodii ay badbaadeen. Badan kooduse waxay u baroorteen nimankoodii la dilay. Hooyaday kuwii dambay ka mid ahayd.

Hal-aqoon: Goormaad bilowdey barashada Af-soomaaliga? Sideedse ku bilowdey? Yaana kuu dhigi jirey?

Georgi: Af-Soomaaliga barashadiisa waxaan bilaabay gu'gu kolkuu ahaa 1964kii, kolkaasi oo aan arday ka ahaa Machadka afafka bariga ee ka tirsan Jaamacadda Moosko. Maalin maalmihii ka mid ahayd ayuu nin xooga iga da' weynaa igana dheeraa intuu soo galay fasalkii ay wax ku baraneysay kooxdii aan ka midka ahaa yidhi: 'Magacayga waxaa la yidhaahdaa Aleksander Jolkofski. Kol dhoweyd waxaan bilaabay baaritaanka af-Soomaaliga. Yaa raba inaan macallin u noqdo oo aan baro afkay ku hadlaan dad reer guuraa ahi?' Anigu intii aan istaagay ayaa waxaan ugu warceliyey: 'Anaa raba!'Ridu lugteeda ayay shabeel ku doonataa!

Gu'gu kolkuu ahaa 1971kii Jolkofski (Zholkovsky) oo ah nin aad u karti badan oo ku xeeldheer aqoonta afafka iyo suugaantu wuxuu qoray buugga la yidhaahdo 'The Somali Syntax' ee waxtar aan la soo koobi karin ku kordhiyey baaritaanka naxwaha Soomaaliyeed. Gu'gu markuu ahaa 1979-kii macallinku wuxuu u qaxay dalka Mareykanka. Imminka wuxuu brofesor ka yahay Jaamacadda Kalifoorniyada Koonfyureed, wuxuuna dhigaa suugaanta Ruushka. Ayaandarro af-Soomaaliga wuu ka fogaaday.

Hal-aqoon: Waxaan filayaa inaad af-Soomaaliga barashadiisa bilowdey intaan la qorin. Sideed haddaba u baratay? Farteedse adeegsan jirtey?

Georgi: Sidaynu og nahay xuruufta af-Soomaaliga waxaa la oggolaaday 1972kii. Hase ahaatee aqoonyahannadii Soomaaliyeed iyo kuwii shisheeyaha ahaaba ilaa waa hore bay wax ku qori jireen af-Soomaaliga, ayagoo adeegsa- nayey farta Laatiinka. Waxaa in la xuso mudan Leo Reinisch ('Die Somali Sprache', 1900), C.R.V. Bell ('The Somali Language', 1953), M.M. Moreno ('Il Somalo della Somalia',1955), Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo B.W. Andrzejewski ('Xikmad Soomaali', 1956), E.Cerulli ('Somalia',1959), R.C.Abraham 'Somali-English Dictionary', 1962; 'English-Somali Dictionary', 1967), Shire Jaamac Axmed ('Gabayo, Maahmaah iyo Sheekooyin Soomaaliyeed', 1965; 'Iftiinka Aqoonta', 1966-1967), Axmed Cartan Xange ('Qaran iyo Qawdhan', 1967). Awrba awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa leeyahay!

Buugaagtaa aan soo sheegay iyo kuwa kale ayaan wax ka baran jiray. Waxaa kaloo jirta in xilligii Muq-dishow iyo Moosko loo haystay 'laba mataano ah' xarunta Midowga Soofiyeeti ay waxbarasho u joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed. Qaarkood oo uu ugu horreeyey Axmed Cartan Xange aad baan ula saaxiibay. Sida af-Soomaaliga loogu hadlo ayagaan ka bartay. Ayagana waxaan ka kaalin jirey siday u baran lahaayeen afka Ruushka. Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan!

Hal-aqoon: Dr. Georgi, intaanad barasha da af-Soomaaliga bilaabin aqoontaadu maxay ahayd?

Georgi: Intaanan bilaabin barashada af-Soomaaliga waxaan baran jirey afka Ingiriiska iyo afka Amxaarka. Waqtigan la joogo afka Ingiriiska aad baan u adeegsadaa. Afka Amxaarka oo ay iigu dambeysey 1967kii 'bejjerash resaxu' (waan iloobay), inkastoon si fiican ugu hadli jirey. Fuulmo waa faro-ku-hayn!

Hal-aqoon: Af-soomaaliga iyo af-ruushka mooyaane, immisa af oo kale ayaad taqaan?

Georgi: Afar af baan ku hadli karaa. Af-Ruushka iyo af-Soomaaliga mooyaane, waxaan ku hadlaa afka Ingi-riiska iyo afka Ukra'iinka (Jamhuuriyadda Ukra'iin dhankeeda galbeed baan ku ababay). Buugaagta iyo qoraalladana waxaan kaloo ku akhrisan karaa afka Faraansiiska iyo afka Jarmalka. Hase ahaate kuma hadlo.

Hal-aqoon: Afafkaa miyaad dhammaantood wax ku qortaa?

Georgi: Waxaan wax ku qoraa saddex af oo kala ah: afka Ruushka, afka Soomaaliyeed iyo afka Ingiriiska.

Hal-aqoon: Barashada af-soomaaligu ma ka adag tahay barashada afafka kale?

Georgi: Waxaan u haystaa af-Soomaaliga afafka ugu adag adduunka. Waa af hodon ah oo soo jiidasho leh. Hase-ahaatee waa mergi oo kale oo hadba dhanka loo jiido ayuu u jiidma! Ammin dhan 40 gu' iyo in ku dhow ayaan baraneyey afkiina hooyo, hase yeeshee kama aan sal gaarin weli. Naxwaha af-Soomaaliga mid uu qof shisheeye ahi si fudud u baran karo ma aha. Aad buu uga duwan yahay afafka Yurub looga hadlo. Shisheeyaha waxaa dhiba waxyaallo farabbadan oo gaar u ah af-Soomaaliga. Dhinaca dhawaaqa waxaa ka mid ah shibbaneyaasha dh, q, c, x, kh, iyo h, shaqallada gaaggaban iyo kuwa dhaadheer, kuwa xirxiran iyo kuwa furfuran ee tiradoodu ay tahay 20 haddii laysku daro! Dhinaca dhismaha afkana, erayadu siday u kala horreeyaan mooyaane wax lala yaabo waxa ah sida ballaaran ee loo adeeg-sado saxarrada ujeeddooyinkoodu uu kala duwan yahay ee kala ah: u, ku, ka, la, soo, sii, wada, kala, hoos, ag, hor, dhex, dul, ha, ma iyo kuwo kale, weliba magacuyaallada kala ah: La, i, ku, na, ina, idin, is, kay, kaa, kaya, keen, kiin oo meelo u kala gaar ah ku leh tixda. Tusaale-ahaan: Waa in layskala (la+is+ka+la!)soo wada dhex hadlaa. Waa hoog iyo balaayo!

Hal-aqoon: Afafka maxaad ku kala jeclaysataa?

Georgi: Waalidku carruurta ma kala jecla ee iyagaa is kala jecelsiiya, baa la yidhi. Afafku waa sidaa oo kale. Anigu waxaan doorbidaa afafka adag, siiba af-Soomaaliga.

Hal-aqoon: Waxaan had iyo jeer maqalnaa afafku way kala hodansan yihiin. Arrintaa maxaa ka jira? Sideese lagu ogaadaa baad u malaynaysaa? Af-soomaaligu, aragtidaada, hodan ma yahay? Haddii aad leedahay waa hodan, maxaad ku taageeraysaa aragtidaa iyada ah?

Georgi: Run weeye in la maqli karo in ay jiraan afaf hormarsan iyo kuwa dib u dhacsanba. Ilama aha taasu in ay sax tahay. Af kasta fekrad la arkaba waa lagu muujin karaa. Dad walibana wuxuu leeyahay heeso, sheekooyin iyo maahmaahyo xiise leh. Laakiin af hodon ah oo keli ah ayaa lagu tirin karaa gabayo. Sidaas darteed shaki ma leh af-Soomaaligu inuu hodon yahay. Richard Burton ee booqday Soomaaliya sannadkii 1854kii wuxuu qoray in 'dalka ay ka buuxaan rag wada gabayaa ahi'. Tan iyo waqtigaa Soomaaliya isma beddelin. Dadkii aan Hargeysa kula kulmay sannadkii tegey barkoodu waxay ahaayeen gabayaa, barkii kalana waxay is moodeyeen in ay yihiin.

Hal-aqoon: Dad badan oo af-soomaaliga yaqaan ayaan waxba ku qorin. Maxaad adigu ku jeclaatay inaad af-soomaaliga wax ugu qorto?

Georgi: Abaal nin gala waa la arkay, nin gudase lama arag, baa yidhi. Abaaldhac waxaan u haystaa dembi aan la dhaafi karin. Abaalkii ay ii galeen Soomaali badan oo aan afkooda hooyo ka bartay baan hadda gudaneyaa. Abaal raaga rag baa leh...

Buug walba oo aan qoro waxaaan u hibeeyaa macallimiintayda mid ka mid ah. Buugga sheekooyinka soomaaliyeed waxaan u hiibeeyey "ciddii aan ka baran jirey, ilaa imminkana ka barto afka Soomaaliga".

Hal-aqoon: Immisa buug baad ilaa hadda af-Soomaali ku qortay? Magacyadooda iyo waxa ay ku saabsanyihiin wax ma iiga sheegi kartaa?

Georgi: Waxaan af Soomaaliga ku qoray laba buug oo kala ah "Waxaa la yidhi-Sheekooyin hidde ah" (1996) iyo "Qaamuuska maahmaahyada Soomaaliyeed" (1998). Buugga kowaadi wuxuu ka kooban yahay 217 sheeko oo ay ka mid yihiin kuwo taxane ah kuna saabsan Arraweelo, WiilWaal, Cigaal Shiidaad, Yoonis Tuug, Siyaad Dharyo Dhoobe, Ina Sanweyne, Huryo iyo Kabacalaf iyo kuwa kale oo qaarkood aan marna la daabici jirin. Sheekooyinka Soomaaliyeed way xiise iyo murti badan yihiin. Qaarkood mar kaad akhrisatid afka ma aad kala qaadi weydo, adoo aad ula yabban xikmadda ku jirta. Mararka qaarkoodna waa aad qososhaa ama waa aad oydaa. Bal eega:

Wiil baa nin soo martiyey. Kolkuu soo martiyey wuxuu siiyey saan uu ku seexdo, mana soorin. Kabacdi dhurwaa baa yimid, yarkii ayuu qaatay. Dadkii kale oo dhami way kaceen, waxayna yiraahdeen:

- Wiilkii dhurwaa baa qaatay!

Waa la rooray. Ninkii uu aqalkiisa joogay yaa ugu horreeyey. Dhurwaagii ayuu bur ku dhuftay oo wiilkii ka riday, kaddibna soo qaaday oo aqalkiisa keenay. Wuxuuna ku yiri:

Wiilkaygiyow, inkastoon ku qadiyey, dhurwaagii ku qaatay haddaan kaa riday, sow macruuf kuuma sameyn? Wuxuu yiri: Macruuf iima sameyn. Waayo afkaaga ma ahe af kaleeto inay wax galaan yaadan rabin. Dhurwaaga i qaatay isaguna inuu qado baad rabtay!

Waa yaabka yaabkii iyo amakaag!

"Qaamuuska maahmaahyada Soomaaliyeed" waa buug ka kooban in ku dhow 6 kun oo maahmaahood oo la hubo. Badankood waxaan ka helay dhegeysteyaashii Radiyow Moosko oo aan u sii deyn jirey barnaamijyo suugaaneed. Boqollaal maahmaahood waxaa ii soo diray Cumar Cabdi Sheekh, Cabdirashiid Axmed Sheekh, Cabdiraxmaan Axmed Aadan, Xuseyn Cali Aadam, Yuusuf Cabdi Naser iyo dhegeysteyaal kale oo aan mahad kal iyo laab ah u celinayo. Maahmaahyadu waxay ku kala daabacan yihiin lahjado farabbadan oo af-Soomaaligu uu u kala baxo. Tusaale: Luuq-luuq-maroow laasin laamigaas tagaa.

Hal-aqoon: Ma laga yaabaa inaad qaar kale soo saarto? Haddii ay jiraan wax ma iiga sheegi kartaa?

Georgi: Haa, waa ay jiraan. Imminka waxaan soo gabagabeynayaa buugga shanaad ee ka kooban 3da boqol (300) ee maahmaahood ee ugu caansan dhaqanka soomaaliyeed ee casriga ah. Maahmaahyadaas oo aan ku helay tijaabooyinkii gaarka ahaa ee aan ku kala qabtay dalalka Jarmalka iyo Denmark waa kuwa barashadoodu ay khasab ku tahay qof kasta oo soomaali ah oo da' yar hadduu rabo inuu si fiican ugu hadlo afkiisa hooyo iyo arday walba oo shisheeye ah oo isku xilqaama barashada afkiina hooyo. Maahmaah kasta oo buuggan ku jirta waxay ku kala daabacan tahay af-Soomaaliga iyo afka ingiriiska. Tabaabushaynta buuggan ee dhinaca afka ingiriiska waxaa gacan weyn iga siineysa Sheila Andrzejewski. Maahmaahyada caanka ah moo-yaane akhristuhu wuxuu buuggan ka ogaan doonaa siday aqoonta loo leeyahay maahmaahyadu ugu xiran tahay qofka da'diisa, tacliintiisa, hadduu lab yahay ama hadday tahay dheddig iyo waxa la midka ahba. Buuggan ee aan ka shaqeynyeyey muddo dhowr sano ah wuxuu soo bixi doonaa sannadkan. Maahmaahda qur ah oo ay yaqaannaan dadkii aan tijaabiyey boqolkiiba boqol waa

'Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa'.

Oh father, save me from the small one, the big one I shall manage myself.

Said when somebody is unable to solve a small problem, but thinks he can deal with a big one, or when somebody is trying to palm off on to someone else the solution of a problem he cannot solve himself.

This goes back to a story about a boy who was often beaten up by other boys of his age. One day the boy and his father encountered one of his attackers, who had a bigger fellow with him. The victim, realising that if it came to blows he would not be able to beat the boy of his own age, but that the big fellow would scarcely want to fight with him, pronounced these words,which became a proverb.

Buugga lixaad ee aan hadda qorayo wuxuu ku saabsan yahay naxwaha af-Soomaaliga, gaar ahaan erayada 'waa', 'baa'/'ayaa' iyo 'waxaa' oo laga helo tixaha badankood. Fiiro gaar ah waxaan u yeeshay habka ereyadaas loogu adeegsado maahmaahyada. Maahmaahyada ay ka maqan yihiinna waxaan u haystaa kuwo ugu da'da weyn suugaanta soomaaliyeed: Ayax teg eelna reeb, Tuug wax ka tuhun badan, Hadday fooli timaaddo gudaqarsiimo hartay...

Hal-aqoon: Intii aad hawsha qoridda ku jirtey sideed gacan uga heshay dadka Soomaaliyeed?

Georgi: Ceel nin tooxsaday isna ku caddiban, cuudna ma cokana, baa la yidhi. Haddaad furtid buug walba oo aan qoro waxaad gogoldhiggiisa ku arki doontaa tobannaan qof magacyadood. Qof walba oo Soomaali ahi hadduu hubsado in aad jeceshahay afkiisa, murtidiisa iyo caadooyinkiisaba diyaar buu u noqdaa in uu si hagarbax ah kuu caawiyo.

Hal-aqoon: Gu'gii hore waxad qabatay Hargeysa. Waxaanad ka qayb gashay, sida igu maqaala ah, shirkii Cilmi baadhista Soomaaliyeed. Bal wax yar iiga taataabo sida uu shirkaasi u dhacay iyo waxa aad adigu soo bandhigtay? Socdaalkaase wax ma kaaga soo kordheen dhanka afka?

Georgi: Shirkii Hargeysa ka dhacay bishii Luulyo ee sannadkii hore mid xiise weyn leh oo si wanaagsan u abaabulan buu ahaa. Waxaa ka qaybgalay in ka badan boqol aqoonyahan oo ka kala socday dalal farabbadan oo dunida ka mid ah. Shirkaai siduu u dhacay iyo waxtarkii uu ku kordhiyey cilmibaarista soomaaliyeed wa-xaan ka qoray qoraal dheer oo lagu daabacay joornaalka la yidhaahdo "Horn of Africa" (Vol. IXX, 2001) ee uu New Jersy ka soo saaro jalahay prof. Saciid Samatar. Warbixintii aan shirkaas soo bandhigay waxay ku saabsanayd mirihii ka soo baxay tijaabooyinkii maahmaaheed ee aan hore wax uga taataabtay.

Hal-aqoon: Intii aad Hargeysa joogtey sidee dadku kuu soo dhoweeyey? Markaad af-Soomaali kula hadasho si gaar ah ma u xiiseynayeen hadalkaaga?

Georgi: Hargeysa si qalbi furan baa la iigu soo dhoweeyey. Odeyaashii aan la kulmay way i garteen, maadaama ay codkayga Idaacdda Moosko ka dhegeysan jireen. Dhallinyaraduna intii ay la yaabeen 'gaalka' afkooda hooyo ku hadlaya ayey igu dhegdhegeen oo way i raaci jireen. Marna iloobi maayo shir aan la yeeshay ardo badan oo Jaaacadda wax ku barata. Ammin hal saac iyo in ka badan ah ayaannu af-Soomaaliga ku wada hadleyney. Waxaana khasab igu noqotay in aan ka warceliyo weydiino aan ka yarayn intaan hadda uga warcelinayo 'Hal-aqoon'. Aan wada hadalno waa aan heshiinno, baa la yidhi. Aad baan ula heshiiyey ardadii oo igu martiqaadday in aan maalin uun u imaaddo oo aan si tifaftiran ugaga warramo baaritaanka aan ku hawlanahay.

Hal-aqoon: Dr. Georgi waxaad aad u jeceshahay maahmaahaha Soomaali-yeed. Miyaan odhan karaa cilmiga kala qeexidda maahmaahaha oo aad taqaan awgeed ayaad u jeclaatay? Mise wax kale ood ku jeclaatay baa jira?

Georgi: Barashada maahmaahyada Soomaaliyeed waxaan bilaabay intaanan weli baranin aqoonta loo yaqaanno 'Paremiology' oo aan u leexday markii aan ka shaqeyneyey buuggii iigu horreeyey ee soo baxay 1983kii. Sababo farabbadan baan u bartaa maahmaahaha Soomaaliyeed. Midda kowaadi waxay tahay in af ama dhaqan la arkaba aan laga sal gaari karin haddaanad baran maahmah yadiisa.Sanduuqa maahmaaheed ee dad waliba uu leeyahay kuma jiro oo keli ah tixo qurxoon oo si fudud loo xasuusan karo ee waxaa kaloo ku jira nidaam isku dubbaridan oo mandaq ah, kuna dhisan hab-ku-fekerkii la hormarineyey ammin kumanyaal gu' ah. Waa taa waxaa lagu magacaabaa 'xikmad dadweyne'. Xikmadda dadka Soomaaliyeed in aan barto baan dooneyey. Waxaa kaloo jirta in maahmaahuhu ay dhaqaaleeyaan hadalka, ayagoo suurto gelineya in si kooban loo muujiyo afkaar ama xaalado ay u qalmaan. Maahmaahaha aan had iyo jeer cuskado waxaa ka mid ah: Nin hadal badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada tegin!

Hal-aqoon: "Soomaalidu been wey sheegtaa, beense ma maahmaahdo", ayaa la yidhaa. Ilaa haddana waxaad ururisey maahmaahihii ugu badnaa, haddaba, ma la heli karaa maahmaah aad odhan karto been bey ku salaysan tahay? Hadday jirto waa tee? Sideyse been u noqotay?

Georgi: Runta maahmaahdu waa maxay? Haddii lays garab dhigo labada maahmaahood ee kala ah 'Fuley geesi hortii buu dhintaa' iyo 'Fuley habartii ma gablanto' waxaa la arki karaa in ay iska soo horjeedaan. Midda kowaad waxay sheegeysaa in fuleynimadu ay xun tahay (fuleygu dhaqso buu u dhintaa). Midda labaadina waxay sheegeysaa in fuleynimadu ay wanaagsan tahay (fuleygu marma ma dhinto).Labadan maahmaahood (sida kuwo kale ee badani) way iska soo hor jeedaan. Hase yeeshee ma aha in middood ay run ku saleysan tahay, midda kalana ay ku dhisan tahay been. Labaduba run bay sheegi karaan, been bayna sheegi karaan. Haddii si habboon oo sax ah loo isticmaalo, run bay sheegaan, haddii si aan habboonayn oo dadbanna loo adeegsado been bay sheegaan. Maahmaah waliba waxay sheegtaa run haddii uun loo cuskado xaaladda u qalanta ayna astaanta u tahay!

Hal-aqoon: Markaad af-soomaaliga ku hadlayso waxaan aad ula yaabaa sidaad maahmaahaha u adeegsato. Ma jirin baan filayaa xilligii aad adigu af-Soomaaliga baraneysey buug ama buugaag qeexda sida loo adeegsado maahmaahaha oo laga baran karayey. Haddaba sidaad u baratay adeegsiga maahmaahaha?

Georgi: Waa runtaa, ma jirin buugag aan ka baran lahaa adeegsashada maahmaahaha, inkastoo ay jireen ururino dhowr ah oo aan weynayn. Waxaa in la tilmaamo mudan "Gabayo, maahmaah iyo sheekooyin yaryar" ee Shire Jaamac Axmed uu soo saary 1965kii, "Madhaafaaanka murtida" (Yuusuf Meygaag Samatar, 1973), "Maah-maahaa saddexshub" (Maxamed Shire Maxamed, 1974), "Waari mayside war ha kaa haro" (Xasan Yaaquub 'Baabraqiis', 1974). Sannadkii 1968kii maqaal xiise leh waxaa qoray B.Andrzejewski ("Reflections in the nature and Social Function of Somali Proverbs"). Nasiibdarrase markii aan bilaabay barashada af-Soomaaliga qoraalladii aan tilmaamay gacanta iiguma jirin e waxaa khasab igu noqotay in aan maahmaahyada ka barto jalayaashaydii Soomaaliyeed oon ku daalin jirey weydiimihii ku aabsanaa ujeeddooyinka ku qarsoon iyo sida loo adeegsadaba.

Hal-aqoon: Maahmaahaha aad jeceshahay wax ma iiga sheegi kartaa?

Georgi: Rag waxaa ugu xun saddex nin: nin maqan oon la tebin, nin jooga oon la tirin iyo nin tegeya oon la celin; Hal soddon qadday saddex kuma dari weydo; Hadduu xaar xoolo lahaan lahaa 'ow jiljilocow' ayaa la oran lahaa!

Hal-aqoon: Suugaanta iyada sidee isku tihiin? Heesaha ama gabayada Soo- maalida ma dhegeysataa? Haddii aad dhegeysato kuwee baa aad kuu xiiso geliya?

Georgi: Heesaha iyo gabayada waa aan dhegeystaa mararka qaarkood. Hase ahaate waxaan la'ahay hab ama aqoontii aan ku garan kari lahaa boqolkiiba boqol. Soomaaliya laba jeer oo keli ah baan joogay: shan beri iyo shan beri. Lakiin shan beri shiikh laguma noqdo! Xattaa caano geel ma aan dhadhamin...

Hal-aqoon: Dr. Georgi in badan baad RM ka shaqaysay, gaar ahaan laantii af-Soomaaliga. Yaa haddaba qormayaasha idiin soo diyaarin jirey? Ma af-Soomaali baa la idiinku soo diyaarin jirey mise af-Ruush?

Georgi: Wararkii iyo faallooyinkii waxaa noo soo diyaarin jirtey Qaybtii dhexe, qormeyaashii ku saabsanaana dalalka afrikaanka ah noloshoooda iyo siyaasaddooda waxaa laga heli jirey weriyayashii ka tirsanaa Qaybtii Afrika. Aniguna waxaan qori jirey barnaamijyo suugaaneed. Wax kasta waxaa lagu qori jirey afka Ruushka, wixii aanu sii deyn jirnayna af Soomaaliga ayaannu ku rogi jirnay.

Hal-aqoon: Sida aan ka warqabo, Dr. Georgi, laantii af-Soomaaliga ee RM waa horaa la xidhay. Maxaa loo xidhay baad u malaynaysaa? Ma arrin dhaqaale mise mid siyaasadeed? Adigase hawshaadu imminka maxay tahay?

Georgi: Laantii af-Soomaaliga waxaa la xiray 1994kii. Wax yar kaddib waxaa la xiray Qaybtii Afrika oo dhan. Waxaa loo xiray sabab dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Midowga Soofi-yeeti waa baaba'ay, dagaalkii qaboobaa ee uu kula jirey reer galbeedka wuu dhammaaday. Dalka Ruushku wuu cayroobay. Maalkii uu ka dhaxlay Midowga Soofiyeeti waa la xaday! Imminka waxaan ka shaqeeyaa Qaybta wararka. Hawushaydu waa qoridda wararka ee lagu kala hal-tebiyo afafka ay qormeyaasheeda ku sii dayso Idaacadda la yidhaahdo 'Codka Ruush ka'. Nasiibdarro waxaan ahay 'news-writer' e ma ahi 'news-maker'!

Hal-aqoon: Intii Maamulkii Soomaaliya uu burburay, dad badan baa qaba in tayadii afku hoos u dhacday. Arrintaa iyada ah adigu sideed u aragtaa?

Georgi: Waxaan ka welwelsan ahay in dhallinyaro badan oo dibedda joogtaa aysan si fiican u aqoonin afka qurxoon ee la yaabka leh ee ay ka dhaxleen awoweyaashood. Hal-ku-dhegyadii badnaa ee uu Maxamed Siyaad Barre la soo baxay badan koodu kuwo foolxun bay ahaayeen. Hase yeeshee waxaa mudan in la xasuusto mid fiican: Afka hooyo waa lagama maarmaan!

Hal-aqoon: Ugu dambayntii, Dr. Georgi, maxaad u soo jeedin lahayd qorayaasha Soomaaliyeed ee waraysigaagan akhrisan doona? Maxaad adiguse ka codsanaysaa?

Georgi: Waxaan qoreyaasha Soomaaliyeed ugu baaqi lahaa in ay u wada guntadaan siday u dhowri lahaayeen afka iyo murtida Soomaaliyeed. Yaanay iloobin murtida ku jirta maahmaahda leh: Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebi waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan!

Waxaa lagu daabacay ‘Hal-Aqoon’.
Xidhmada 2aad, tirsiga 1aad, 2002 

Laabo

 

 

 

Сайт управляется системой uCoz